Dad ku dhintay is-buurasho ka dhacday Burkina Faso.

0
223

 Lix Qof ayaa ku geeriyootay is-buurasho ka dhacday goob ay ka socotay munaasabad Diimeed , Caasimadda Dalka Burkina Faso ee (Waaga duugu) OUAGADOUGOU.

Warbaahinta Maxalliga ah ee Dalkaasi ayaa laga soo xigtay in Dadkii ku geeriyooday Is jiirista ka dhacaday Xaflad Diimeedka oo ka socotay garoonka Somgande Stadium ee Magaalada Ouagadougou ay Shan ka mid ihi ahaayeen Dumar.

Qaban qaabiyeyaasha Xafladda ayaa sheegay in Dadka dhintay la ogaaday xilligii uu dhammaanayay wacdiga la jeediyo gabagabada munaasabad Diimeedka, waxanay Dowladdu sheegtay inay baari doonto ciddi masuulka ka ahayd falkaasi.

Leave a Reply