Danjiraha Masar Oo kormeeray iskuulka 15 May Muqdisho

0
111

Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [jaabir] iyo safiirka dawladda Masar u jooga  Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim ayaa maanta kormeeray dugsiga 15 may ee magaalada Muqdisho

Dugsiga 15 may  oo ay gacanta ku heyso dawladda Masar ayaa waxa dhigta in kabadan 400 oo arday Soomaliyeed, islamarkana ay wax baraan macallimiin u dhalatay dalka Masar.

Wasiiro dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo safiirka dawladda Masar u joogo Soomaaliya ayaa la kumay macallimiinta wax bara arday Soomaaliyeed, waxana  macalimiinta  ay  soo bandhigeen qaabka ay wax u baraan arday Soomaaliyeed.

Wasiiro dawlaha wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dawladda Masar dadaalada hormarined ee ay ka wado dalkeena.

” Waxaa muhiim ah inaan oggaano waxbarashada caruurta Soomaaliyeed waxaa boggaadin mudan tayada waxbarsho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed oo ay siisay dawladda Masar waxaan kala hadlay safiiraka dawladda Masar horumarinta waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed,  waxaana rajo wanaagsan ka qabnaa anagga oo kaashaneyno Masar in aan sii horumarin doona waxbarashada ardaydeena”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS.

Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya  Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah, kaasi oo salka ku haya iskaashiga dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka,  iyo siyaasadda, waxaana uu u mahad celiyay maamulka iyo cid kasta oo tageerta iskuulka 15 May.

Leave a Reply