DEG DEG: Al-Shabaab Oo Hadda La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
251

Cali fooldhere(HSM)_Kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldhere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa deegankaas la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab inay qabsadeen deegaankaan, ciidankana ay ka soo galeen dhawr jiho oo deegaanka ah.

Al Shabaab ayaa tagay Saldhigyadii ciidamada Amisom ay ka guureen, halkaasi oo la soo sheegaayo iminka inay ka wadaan baaritaan.

Ciidamada Al Shabaab ayaa wararka waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay baarayaan xaafado ka mid ah deegaanka Cali Fooldheere, halkaasi oo la sheegay Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka inay daganaayeen.

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco.

Leave a Reply