DEG DEG: Ciidamadii Maanta Gudaha U Galay Xarunta Golaha Shacabka Oo Lasoo Qabtay

0
221

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in ciidamaddii Saaka hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intooda badan lasoo qabtay,  baaritaanna lagu sameyn doono sida ay daabacday Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Jawaari iyo taliyayaasha ciidanka ayaa maanta ku eedeeyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad inay hub la galeen gudaha xarunta shacabka iyadoo warkaas uu beeniyay guddoomiye Jawaari oo sheegay inuu watay 7 askari oo ilaalo ah isla markaana aanan 7 askari meel lagu qabsan karin waxana uu arrintaa ku tilmaamay arrin dacaayad iyo marin habaabin ah.

Leave a Reply