Wararaka inaga soo gaaraya degaan ku dhaw degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo halkaasi.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.
Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho warkan waxaa u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Goboolka Bakool iyo saraakiil kale oo Ciidan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga ururka Al-shabaab ay wadada u galeen Kolnyo Ciidan oo galbinayay Sahay Shidaal, kuwaasi oo u sii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Bakool.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in ay maqlayaan Hubka culus ee la isku adeegsanayo dagaalka, waxaana dagaalka uu yahay mid goos goos ah.