(DHAGEYSO) Dhalinyaro Shaqo Abuur U noqotey Farsamada Gacanta

0
389

Waxaa lajogaa xiligii aan isku tashan lahaa oo aan soo dhacsan lahaa biilka guriga oo ay ijogaan xaas iyo caruur Iyo inaan noqdo qof isku filan maanta’ayuu yiri asigoo lahadlaayey warbaahinta KG maxamed cabdulaahi oo kamid ah dhalinyarada ku nool magalada baydhabo kushaqeysta farsamada gacanta ama sameynta qalabka guryaha sid sariiraha’miisiska’kuraasta IWM.

Maxamed in mudo ah wuxuu ahaa qof shaqo la’aan ah oo iska jog jogaa guriga iyo goobaha fidho kudirirka ah kuna adkaatey in uu mareyo nolashiida isagoo kadhoranaayo in uu kulaanto walidiintiisa isagoo karaadsanaayo lacag uu magalada kugalo.

Mudo badan oo maxamed shaqo la’aan uu ahaa ayaa waxaa uu gu’aan sadey in uu kamid noqodo dhalinyarada ku shaqeynsata farsadamada gacan oo uu sheegey in kaliyada shaqadaan ay tahay midi uu kaga bixi laha shaqo la’aanta iyo dhibaatada lasoo derstey.

‘shaqadaan waxey noqotey mid wax weyn kabedesha nolasheyda oo mudo kooban waxaan noqdey qof ku xisaabtama joobkiisa oo waan ku guursadey anigoon wax tuugsan waxaan kufilanahay biilka gurigeyga iyo tan familkeyga’ ayuu yiri maxamed xasan oo qof kushaqeysta farsamada gacanta ama loo yaqaano faryaame.

Sidoo kale maxamed wuxuu sheegey in maanta uu ka fikir duwan yahay dhalinyarada tahriiba oo badankooda ku dhamaata baddaha isagoo mar kudhawaa in magalada baydhabo uu katago si ugu mid noqdo tahribigaasha maalmo badan iyo fikir maxamed wuxuu sheegey in aminaada dhulkaaga ay tahay mid wanaagsan.

Ugu dambeytii farsamo yaqaan maxamed xasan wuxuu lahadley oo baaq udirey dhalinyarada maanta aamisan ineysan heleynin shaqo ama damacsan iney tahribaan taasina tahay mid qaldon oo maanta magaladooda ay kaheli karaan shaqo ay kumareykaraan nolashooda.

BY:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Xafiiska Wararka Hubsiimonews.com magalada baydhabo.

 

Leave a Reply