(Dhageyso) Maamulka Degmada Diinsoor’ Dagaal Ayaan Kula Jirnaa Maleeshiyada Al Shabaab

0
3780

Gudoomiyaha maamulka degmada diinsoor ee gobolka baay ibraahim maxamed nuur (shig shigow) ayaa waxaa uu kahadley hormarada iyo dhisamooyinka hada ay ka socdaan degmada diinsoor,iyadoo dhawaan degmada lagu soo geba gabeeye dhismaha xarunta haweenka degmada diinsoor isagoo gudoomiye ibraahin (shig shigow) uu sheegey in mudo dheer ay qateen dhismooyinka wuxuuna kusababeeyey xirnaanshah wadooyinka.

Sidoo kale ibraahim maxamed gudoomiyaha maamulka diinsoor ayaa sheegey in hormarada degmada ay kajiraan qeyb weyn ay kaqateen wada shaqeynta wanaagsan ay ka dhaxeyso maamulka degmada ciidamada kala duwan iyo bulshada,taasi oo ay dhalisay in laga shaqeeyo amniga guud ee degmada iyo degaanada katirsan’kaqeyb qaadashada dhismooyinka magalada oo iskaaga wax uqanso ah iyo dhiira galinta ciidamada habeen iyo maalin utaagan ladagaalanka kooxda maleeshiyada nolal iyo nabad diidka al shabaab oo mar waliba utaagan sidii ay shacabkooda qaarkood ee kusugan degaanada kale ay ugumaadi lahayeen.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegey in degmada ay tahay meel godoonsan sidaasi tarteedana ciidamada ay yihiin kuwo dadaal ugu jira kasafeynta guud ahaan degmada kooxda al shabaab.

Gudoomiyaha maamulka degmada diinsoor ee gobolka baay ibraahim maxamed nuur (shig shigow) ayaa sheegey in laga soo gudbey xiligii al shabaab intii qof dilaan laga aamusaayey oo wuxuu sheegey hadii qof ay dilaal al shabaab dilkaasi loogu gudi doono qof iyaga qoyskooda ah.

BY: Xuseen Cali Geesay Xafiiska Wararka Hubsiimonews.com Ee Degmada Diinsoor

Leave a Reply