(DHAGEYSO) Maamulka Gobalka Baay Oo Ka Hadlay Horumarada Ka Socda Degmooyinka Gobalka.

0
538

Gudoomiyaha maamulka gobalka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan (Dooyow) oo wareysi siinayay Warbaahinta koonfur  galbeed soomaaliya ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay mashaariic lagu doonayo in lagu dhiso dhamaan wadooyinka magaalada Baydhabo iyo sidoo kale horumarada ka socda deegaanada iyo degmooyinka gobalka Baay.

Gudoomiye Wardheere ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay mashruuc laami lagu saarayo dhamaan wadooyinka magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay ahna xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed soomaaliya si, ay ula jaan qaaddo magaalooyinka kale ee horumarsan.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka gobalka Baay Cali Wardheere ayaa waxaa uu ka hadlay horumarada kale ee ka socda degmooyinka gobalka, asagoona tusaale u soo qaatay degmada Diinsoor horumarka ka socda taasi oo uu ku amaanay maamulka iyo bulshada degmdaasi.

Ugu dambayn Cali Wardheere ayaa waxaa uu ka hadlay kulamo uu la qaatay jaaliyadda koonfur galbeed soomaaliya ee ku nool dalka Austrelia halkaasi oo uu dhowaan safar shaqo ku tagay, asagoona sheegay in jaaliyadda koonfur galbeed ay isla meel dhigeen sidii lagu horumarin lahaa deegaanka.

Maamulka gobalka baay ayaa waxaa uu mudooyinkii udambeeyay waday dadaalo lagu horumarinayo deegaanada iyo degmooyinka gobalka Baay taasi oo mira dhalkeeda hadda ay muuqato.

BY: Bishaar Xasan Maxamed (Bashka) Xafiiska Wararka Hubsiimonews.com Ee Magalada Baydhabo Janaay.

Leave a Reply