Dhageyso: Waa Sidee Xaalada Barkacyaasha Ku Nool Degmada Xudur

0
206

Xudur(HSM)_Degmada Xudur Ee Xarunta Goboka Bakool Wali Waxaa Kusii Qulqulayaan Barkacyaal Ka Imanayaan Degmada Tiyeeglow”Degaanka Abal Iyo Degaano Ka Oo Katirsan Degmada Xudur.

Dadka Barkacyaasha Ah Ee Soo Garayaan Degmada Xudur Ayaa Waxey Siyaabooyin Kala Duwan Ugu Soo Barkacayaan Degaanadii Ay Ku Nolayeen Oo Ugu Horeyso Dhibaatooyin Ay Kala Kulmaan Kooxda Al Shabaab Iyo Kuwii Wali Aan Kasoo Kabsan Abaartii Kadhacdey Dalka Soomaaliya Gaar Ahaan KG Ee Sanadkii Tagey 2017.

Qoysas Badan Uu Xiligaani Ku Nool Kaamamka Kuyalaan Degmada Xudur Ayaan Heysan Gar Gaar Bini’aadinimo Iyadoo Usii Dheertahay Qoraxda Iyo Roobabka Xiligaani Kada’ayaan Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Xudur Aadan Cabdi Abaarey Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Wadaan Dadaalo Wax Loogu Qabanaayo Dadkaan Ku Dhibaateysan Ee Kujiraan Kaamamka Ku Yalaan Degmada Xudur.

Halka Hoose Kadhageyso.

Leave a Reply