(Dhageyso) Xaruumoyinka Caafimaad Degmada Waajid Oo Ku Dhow In Al Baabada Loo Laabo

0
166

Degmada waajid ee gobolka bakool ayaa kamid ah degmooyinka sanadadad  u godoonsan kooxda maleeshiyada al shabaab ‘ iyadoo degmada waajid iyo degaanada ka tirsan ay ku barkaceen dad aad utira badan sanadii 2017 oo dalka soomaaliya ay kadhacdey abaar daran’ iyadoo gobolada koonfur galbeed ay ka mid yihiin gobolada sida aadka ah ee dadka iyo duunyada ku nool sida aadka ah ay udaremeen abaarta.

Marka laga hadlaayo xaruumooyinka caafimaadka degmada waajid   malahan xiligaani isbitaal guud oo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee kataagan degmada waajid.

Dadka ku nool waajid waxey daawo u aasan jireen MCH yar yar oo NGO ah taasi oo mararka qaar laga heli Karin daawoyinka ay ugu bahdaan bukaanada sidoo kale dadka qaar oo ay kamid yihiin hooyooyinka oorka leh ayaa waxey kudhalaan si dhibaato ah taasi oo sabab u noqota in tobonkii kiis oo noocdayaasi ah afar kamid ah ay u geriyodaan daawo la’aan.

Cabduqaadir maxamed oo ka mid ah dhaqtar kahowlgala MCH kuyaala degmada waajid ayaa waxaa uu warbaahinta koonfur galbeed uxaqiijiyey in dad qaar ay ugeriyodaan gar gaar la’aan iyadoo meesha dadka gar gaarka kazoo doonta ay tahay MCH oo aan daawo iyo qalabkiisa dhimeystirineen degmadana aan laheen isbitaal weyn.

“Maalinba maalinta kale ee ka dambeysa waxaa soo kordhayaa dhibaatooyinka dhanka caafimaad ay qabaan dadka ku nool degmada waajid iyo degaanada katirsan iyadoo si lamaid ahna hoos udhac ay kajiraan MCH yada degmada waajid taasi oo dhalisay in dad ay ugeriyodaan gar gaar la’aanta ay lakulmaan bukaanada’

Dr.Cabduqaadir maxamed ayaa sheegey in wasaaradaha caafimaadka dowlada faderaalka soomaaliya iyo mida dowlad goboleedka koonfur galbeed ay kagabiyeen iney wax kaqabtaan dhibaatada caafimaadka ee kajirta degmada waajid isagoona sheegey in dadka ku nool waajid ay ubaahan yihiin isbitaal weyn oo leh dhaqaatir iyo dawooyin kufilan reer  waajid.

BY:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Xafiiska Wararka Hubsiimonews.com Ee Degmada Baydhabo.

Leave a Reply