DHAGEYSO:Dhalinyaro Shaqo Abuur U Sameysay Hooyo Barkac Ah Oo Nool Baydhabo

0
744

Xaawo oo ah hooyo konton sano jir ah ku nool kaamka rajo ee Magaalada Baydhabo, waxaad ka warqabteen sida aan ku soo qaadanay warbixino hore oo ku baxay barnaamishky edky edkaawy ee bishii tagtay, waxay ku codsanaysay in  ay Bulshada ka caawiso dhibaatada nololeed eek u gadaaman iyada iyo qooyskeeda.

Waxay sheegtay Xaawo xiligaasi in uu ku xariir wiil 13 sano jir  ah jadeeco indha tirtay oo u baahan daryeel iyo xanaano dheeri ah iyo in ay guriga iyo  agagaarkiisa lagu ilaaliyo. Iayadana ay ku adagtahay in ay guriga joogto maxaa yeelay waxaa igu xariiro ayay tiri caruur u baahan nolol, inta ay maqantahayna oo ay jirto suuqa wiilkeeda waxaa soo gaara waxyeelo oo ma arko ayay tiri waxba dad iyo geed wixii hortiisa yaala ayuu ku dhacayaa oo ma arko.

Iyadoo hadlkkaasi ay jeedisay laga jawaabayo ayay dhalinyaro is xilqaantay Hooyo Xaawo uga sameeyeen halka ay degantahay meel u dhow Miis ay u saaraeen Raashiin Khudaar bagaash iyo caano geel weelal lagu iibiyo, si ay usamaysato xaawo meherad ay ka raadiso Nlolsha Caruurta kale ee la dhalatay maxamed Aadan isagan uga war hayso.

Haddaba Dhalinyaradan oo isgu jiray rag iyo haween ayaa ka hadlay goobtii ay hooyo xaawo Shaqo abuurka uga sameeyeen iyagoo u sharxiaya alaabta ay u keeneen iyo shaqdan sida ay muhiimka ugu tahay iyada iyo qooyskeeda haddii ay xaawo xaawo ku daasho sidii ay miiskan uga samayn lahayd ganacsi wax tar u leh nolosha qooyskeeda iyo mustaqbalka wiilkeeda.

Hooyo xaawo ayaa Dhalinyaradii Shaqo abuurka u samaysay uga mahad celisay dadaalkooda iyo sida ay uga jawaabeen baaqeeda ahaa in la saacido oo bulshada ay u gurmato.

Bulshada haddii ay iskaashato dhexdeeda waxay abuuri karaan fursadao badan oo lagu caawin karo dadka barakacayaasha ah iyo danyarta daruufaha nololeed ay ku haysato Magaalad iyo kaamamka Barakacayaashu deganyihiin ee u baahan Kaalamada iyadoo la iskaashanayo oo bulshadana iska aruurinayso qofba wixii tabartiisa ah, taasoo keeni karta runtii in laga maarmo kaalmada mar walba laga sugo wadadmada deqaha bixiya iyo hay’adaha ajnabiga, ee la arko deeqdooda marka ay dadka aad u saamayso dhibta oo ay macluusha  la dhul dhacaan.

Leave a Reply