Dhageyso:Nolaansho Ayey Ubaahan Yihiin Shacabka Waajid Ee Gobolka Bakool

0
580

Dhibaato Uma Yara shacabka Ku Nool Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool,Mudo Sanado Ah Waxey Tahay Mid U Godoonsan Kooxda Maleeshiyada Al Shabaab,Oo Dadka Ku Nool Degmada Waajid Iyo Degaanada Katirsan Degmadaasi Waxey Udiidey Iney Ku Noladaan Nolasha Ay Ku Nool Yihiin Dadka Ku Nool Gobolka Kale Ee Dalka Markii Laga Reebo Gobolada Baay’Bakool Iyo Sh/Hoose.

Waxbarasho’Caafimaad Iyo Adeegyada Kale Uu Kunolaan Karaan Bulshada Shacabka Degmada Waajid Mudo Sanado Ah Nasiib Uma Yeeshan Oo Waxey Ku Adkaatey Iney Helaan Rashiinkii Ay Ku Noolaan Lahayeen,Oo Waxaa Wadooyinka U Istaagan kooxda Maleeshiyada Nolal Iyo Nabad Diidka Al Shabaab.

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Waxey Leedahay Afar Wado Oo Ay Kala Adaan Labo Bakool Ah Hal Baay Iyo Hal Wado Kale Adaa Gobolka Gedo Iyadoo Taasi Ay Jirto Nasiib Daro Gawaaridii Warkooda Iskabadaa Ee Waxaa Dil Iyo Dhibaatooyin Kale Ay Lakulmaan Shacabka Degmadaasi Rashiinka Ay Kugeyaan Saxaarada Dameeyka Oo Marar Badan Ayaa Wadooyinka Degmadaasi Ay Kagalaan Sida Baydhabo Iyo Tan Xudur Lagu Diley In Kabadan Boqol Qofood IYadoona Lagu Gubey Oo Kaliya Wax Kabadan Sedax Boqol Oo Gaari Dameer Ah Oo Ay Rashiin U Wadaan Bulshada Ku Dhibaateysan Degmada Waajid.

Qaar Kamid Ah Baqaaradii Ugu Muhiimsanaa Degmada Waajid Ayaa Xiran Miisiska Yar Yarka Ah Warkoodaba Iskadaa Oo Waxaa Ku Adag Helitaanka Waxyaabaha Ay ibiyaan.

Ganacsadato Aan Badneen Ayaa Mararka Si Dhis Iyo Daadir Ah Wax Soo Saartaan Waa Hadiiba Lahelo Dariiyarada Un Oo Wax Ukeena Hay’adaha Ka Howlgalaa Degmada, Iyadoo Diyaaradaha Qaada Rikaabka Bishiiba Laheli Karo Wax Aan Kabadneen Sedax Jeer.

Waxaa Gaabis Kujiraa Shaqeynta Iyo Waxkaqabashada Xaaladahaasi Ciidamada Kala Duwan Ee Kusugan Waajid, Oo Kaliya Ciidamada Waxey Rashiinkooda Ku Imanayaa Gawaarida Gashaaman,Dhanka Maamulka Wuxuu Lamid Yahay Bulshada Ku Dhibaateysan Degmada Waajid.

Waxaa Yar Wada Sheqeynta Kadhaxeyso Maamulka Degmada Waajid’ Hay’adaha Wasaaradaha Quseeya Arimahaasi Kuwa Dowlad Goboleedka KG Iyo Kuwa Dowlada FS.

Dhamaan Waxaa Halkaasi Kamaqan Hormaradii Degmada Kaliya Degmada Waajid Waxaa Kajiraan Xaruumo Aan Qalabkeeda Dhimeystiraneen Ee Kashaqeyaa Maamulka Degmada Iyo Gobolka Bakool’Waxaa Bur Bursan’ Dhamaan Wadooyinka Magalada Dhaxdeeda’Xaruumaha Ciidamada Militeriga Iyo Booliska’Xaruumihii Caafimaadka’Waxbarashada Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Iyo Xaruumihii Kale Ee Loogu Adeegi Lahaa Dadka Reer Waajid.

Ururka Dhalinyarada Iyo Haweenka Jiritaanka Moyee Muuqasho Malahan Oo Waxaa Jiraa Kala Daadnaansho Oo Waxaa Sameyey Xirnaan Shaha Wadooyinka Dhanka Kale Wajiraan Xafiisooyin U Qalabeysan Oo Ay Ku Howlgalaan.

Dhaqdhaqaaaqa Ciidamada Kala Duwan Ee Waajid Madhaafsanah In Badan 20 KM Oo Taasi Oo Ay Sabab Unoqotey In Degmada Waajid Ay Latartanto Degmooyinka KaleDhanka Horumarada ’Xirnaanshaha Wadooyinka Hoos Udhaca Ganacsiga Waxbarashadii Caafimaadka Oo Aan Kaafin Karin Bulshada Reer Waajid Oo Kaliya Ka Howlgala MCH  Oo Aan Buuxin Karin Baahiyaha Caafimaad Bur Burka Wadooyinka Goroonka Diyaaradaha Iyo Xarumooyinka Kale.

Waxaa Ku Yar Booqashada Iyo Kawar Heysnta Masuulinta Dowald Goboleedka KG Iyo Dowlada FS. Iyadoo Xildhibaanada Iyo Wasiirada Degaan Ahaan Ay Kasoo Jedaan Degmada Waajid Gacmaha Kasaaradey Indhaha Iyo Dhegaha Xaaladaha Jahwareeriyey Bulshada Waajid.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Arimaha Bulshada Ee Degmada Waajid Aadan Xasan Axmed Ayaa Waxaa Uu Uwaramey Warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Wuxuuna kahadley Xaalada Hada Kajirta Degmadaasi Wariye Abdulaahi Nuur Aadan (Jeceelow) Ayaa Wareysi Layeeshey Gudoomiyaha.

Naga Filo Qormooyin Kale Oo Ay Kahadli Donaan Degmada Godoonsan Ee Waajid.

By:Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateer)

Leave a Reply