Dhalinyaro Reer Xudur ah Oo Gargaar Gaarsiiyey Qoysa Danyer ah.

0
210

Qaar Kamid ah dhalinyarada Kunool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Ayaa Deeq Gar Gaar ah Gaarsiiyey Qoysas Danyer ah oo Kunool Mid Kamid Ah Kaamamka Ay Kujiraan Dadka Barakacayaasha Ah.

Dhalinyaradan Ayaa Ahaa Kuwa Iskood Iskusoo abaabuley Oo aan cidina Gacansiineynin Hay’ad IWM.

Qoyska Ay Deeqda Gaarsiiyeen Ayaa Wuxuu ahaa,Qoys Danyer ah Oo ay Kamuuqatey Nolol Xumo iyo Daryeel La’aan,Inkastoo ay Kunoolaayeen Xero barakac Hadana Maheysan Oo ma awoodin Inay Iska dabaraan Nolashooda,Sidaa ay Tahayna Waxaan Hoyskaasi kujirey Hooyo Kaamka Ku Xanuunsaneysey Oo Aan Awoodin Inay Maareyso Nolasha Qoyskeeda,

Dhalinyarada Degmada Xudur Oo Uu Hogaaminayo Abuudey Macalin Jimcaale Oo Kamid ah dhalinyarada deegaanka,Ahna Xoghayaha Degmada,ayaa Is Abaabuley Oo Qaaraan Ururin Usameeyey sidii Gacantooda Ugaari Lahayd Qoyskaasi Waxaana Ugu dambeyntii Halkaa ay Gaarsiiyeen Deeq Raashiin ah Oo Qoyska ubaahanaa Waxana Kamid Ahaa Sonkor Bariis bur Saliid Fiimto Iyo Sidoo Kale Waxyaabo Yer yer ah Oo Qoykaasi Anafacaya.

Dhalinyarada ayaa Halka deeqdu ay Gaarsiinayeen Waxaa Sidoo Kale Kuwehlinayey Qaar Kamid ah Golaha Deegaanka Degmada Xudur Oo ayaguna dhalinyaro ahaa Sidoo Kale Na Gacan kageystey Deeqadani.

Dhalinyarada Kunool degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Hada ubaahan Dhiiragalin weyn Si ay ugaareen Isku filnaansho Deegaankana Ay Ugu Abuuraan batnaamijka Haldoor ah Oo Fikikoodu ayagu Leeyihiin.

W/Q Musharaf Abdinasir

 

Leave a Reply