Dhammaan Gobolada Dalka oo si weyn loo Ciiday.

0
252

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada , saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacabkaba.

Cabdi-wali Gaas oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo u diray shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

meelaha sida weyn looga Ciiday ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Baydhabo, iyadoo Saladda Ciidul-fitriga lag tukaday Faroonka weyn ee Dr Ayuub.

Tukashada Salaadda ayaa waxa ka qeybgalay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ahna Wasiirka amniga ee Maamulkaasi Xasan Xuseen Maxamed, masuuliyiin, iyo dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Leave a Reply