Dhismaha Garoonka Dr Ayoub Stadium Ee Magaalada Baydhabo Oo Bilaabanaysa Bisha June.

0
1253

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad gobaleedka  koonfur galbeed soomaaliya cabdullaahi cumar fanax ayaa waxaa uu ka waramay halka uu marayo qorshaha lagu dhisi la rabo garoonka kubadda cagta Dr ayuub stadium ee magaalada baydhabo.

Wasiir Fanax Ayaa sheegay in wasaaradda dhaliyarada iyo ciyaaraha dadaal badan ay ugu jirto sidii mar, un u dhismi lahaa garoonka Dr ayuub stadium oo ah garoon kaliya ee horyaalada heer degmo iyo heer gobal lagu qabto.

C/llaahi Fanax ayaa tilmamay in howsha dhismaha garoonka ay bilaaban doonto bartamaha sanadkan aynu ku guda jirno gaar ahaan bisha june ee soo socota.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha koonfur galbeed soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu dar dar galinayo dib u dhiska garoonka cayaaraha ee Dr ayuub kaas oo dhismihiisa ay bilaaban doonto bisha lixaad ee sanadkan 2018

Leave a Reply