Digniin Loo Dirtay Gaadiidka Isticmaala Kismaayo

0
219

Gaanshaalle dhexe Bashiir Xiis Khaliif Taliyaha laanta ilaalada nabad galyada wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa digniin dhanka sharciga gaadiidka ah ka soo saarey Gaadiidka Taariko la,aanta ah ee adeegsada wadooyinka magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa digniin adag u direy dadka sida sharci darada ah ku wata Baabuurta aan Taarikada lahayn,waxa uuna ugu baaqay in cid kasta oo sidaasi ku dhaqanta ay ka tanaasusho inta sharciga la horkeenin.

Amarkan ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaanla ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, inkastoo go’aankaasi ay cabasho badan ka muujinayaan darawalada gaadiidleyda ah.

Leave a Reply