Dowlad Goboleedyada Soomaaliya Oo Diray Baaq Ku Aadan Fatahaadda Baladweyne.

0
334

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu waxay codkooda  ku biirinayaan baaqa  Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ku aadan fatahaada wabiga Shabeele oo saamayn bani’aadanimo ku  eelatey deegaamo badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Fatahaada wabigu waxay waxyeelo ba’an u geysatey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa              iyo  Kaabayaashii nolosha dadku ku tiirsanayd ee ka jirey deegaamadaas sida  hoygoodii, kaydii  raashinka iyo  daawooyinka,  dalagii  beeraha,  ceelal biyoodkii,  Musqulihii,  Iskuuladii rugihii caafimaadka,  wadooyinkii  iyo  buundooyinkii islamarkaana waxay  fatahaadu  dhalisay barakaca in  ka  badan  15 kun  oo  qoys oo  markii  horeba  ku  jirey  xaalado adag oo  bani’aadanimo.

Warbixinaha hordhaca ah ee ka imanaya deegaamada Dowlad   Goboleedka Hirshabeele ee  Fatahaada wabigu saamaysay waxay muujinaysaa in ay jiraan xanuuno ka dhashey nadaafad  Iyo biyo xumaanta baahsan ee ka jirta meelaha barakacayaashu isugu tageen,  waxana jirta  cabsi weyn oo laga qabo in ay dilaacaan xanuunada faafa taas  oo hadii  aan laga hortagin ay  adkaan karto in la xakameeyo.

Sidoo  kale  gabaabsi  ayaa  ka  jira xaga  cuntada  iyo  daawooyinka taas  muunjinaysa  bilowga  nafaqo daro hordhac ah oo soo            wajahaysa caruuta ka yar shanta sano iyo dadka                wayeelka ah  taas oo hadii aan tilaabooyin dedega oo bani’aadanimo  laga qaadin horseedi karta macaluul  baahsan oo dad badani ku nafwaayaan.

Sidaas  Darteed  Iskaashiga  Dowlad  Goboleedyadu  waxay  ugu  Baaqayaan  Xukuumada Jamhuriyadda              Federalka  Soomaaliyeed,  Ganacsatada,  Soomaaliyeed,  Qurba      Joogta  Soomaalieed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed,     Hay’adaha Samafalka, UN iyo Deeq Bixiyaasha in  ay  gurmad  degdega oo  bani’aadanimo lala  gaaro  dadka  ku  nool  Dowlad  Goboleedka       Hirhabelle ee    waxyaalada ba’ani ka soo gartey fatahaada Wabiga Shabelle.

Leave a Reply