Dowladda Kenya Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Xuduudka Ay La Wadaagto Ee Baladxaawo.

0
279

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay degmadaasi ay tageen Ciidamada Kenya.

Ciidamada ayaa watay gaadiidka Dagaalka, waxayna wararku sheegayaan in ay ciidamada ay ku biireen ciidamo kale oo horay ugu sugnaa Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Maamulka Magaalada uu kahor istaagay dibadbax ay damacsanaayeen in ay kala hortagaan Ciidamada dheeraad ah ee Kenya.

Kenya ayaa qorsheeneysa dib u bilaabidda darbiga ay marineyso qeybo kamid ah Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, waxayna mas’uuliinta Kenya ay sheegeen in ay darbiga ay u dhisayaan in ay u yareeyaan Weerarada Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha Kenya ay maamulka Baladxaawo kala hadleen in aysan ka hadlin Xiisadaha u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya.

Mustaqbal oo la xiriirtay Maamulka Magaalada Baladxaawo si ay wax ugu weydiiso dhacdooyinkaan ayaanan inoo suurta gelin in aynu helno.

Xiisado muddo soo jeedimayay oo sabab u noqday in uu kala go’o xiriirka ganacsiga iyo isku socodka Ganacsiga Magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ayaa bishaan lasoo afjaray.

Leave a Reply