Dowladda Qadar oo lagu eedeeyay khilaafka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya

0
436

Anwar Maxamed Qarqaash Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta  ayaa ku eedeeyay Dowladda Qadar in ay ka dambeysay Khilaafka soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in Qadar ay muddo badan dabada ka riixeysay in uu Khilaaf soo gala dhex galo labada dal ugu dambeyntiina ay ku guuleysatay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta  ayaa Mar kale ku celiyay in ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in aysan dhicin doonin  khilaafka hadda taagan in uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

“Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta Midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan”,ayuu yiri wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda  Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo.

Waxaa uu ugu dambeyntii uu sheegay in heshiis kaste oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu ahaa mid ay ogeyd dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply