Dowxa: Teliyaha NISA iyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta oo Gaarey Dalka Qatar.

0
70

Wafdi uu hogaaminaayo Teliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka uuna ku weliyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta ayaa gaarey Magaalada Dowxa ee Dalka Qatar.

Ilo wareydo lagu kalsoonyahay ayaa sheegeya in Teliyaha NISA iyo Teliyaha Hogaanka Dabagalku ay halkaasi kulamo muhiim ah kula qaateen Madaxda Sare ee Dalkaasi ayadoona lasheegey in ay kawada hadleen doorshada fooda inagu soo haysa.

saraakiil ku dhow dhow Teliyaha NISA oo magacoodu ka gaabsadey ayaa sheegey in maalikii arbada uu gaarey Dalka Qatar, Teliyaha NISA oo uu weheliyo Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta.

Warar hoose ayaa sheegaya in safarkan uu daaranyahay sidii Teliyaha hogaanka dabagalka NISA Cabdulahi Dheere uu ulaba jibaari lahaa Cadaadinta Siyaasiyiinta Xildoonka ah isla markaana u dardargelin lahaa ololaha lagu soosaarayo xildhibaanada cusub lasoo xulidoono.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka ayaa lasheegey in uu heesto dhalasho Qatarian ah waxaana la aaminsayahay in uu kamid yahay shaqsiyaadka aadka ula shaqeeya Fahad Yaasiin.

Safarka madaxdaan ayaa lasheegey in uu qaadan doono maalmo ayagoona xooga saari doona sidii doorashada soosocta Guul ugu keeni lahaayeen.

Leave a Reply