Dr. Abiya oo Loo Doortay Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF

0
260

Xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ( EPRDF) ayaa Dr. Abiya Axmed  u doortay  guddoomiyaha xisbigaas .

Golaha Jabhadda Demoqaraadiga Kacaanka Shacabka Itoobiya (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front ( EPRDF) ayaa wadatashi dheer oo soo bilaawday 20-kii bisha Maarso  kadib soo gaba gabeeyay  kulankoodii kuwaasoo isku raacay in hogaamiyaha xisbiga uu noqdo Dr. Abiya Axmed.

Hogaamiyaha Cusub ee xisbiga ( EPRDF) ayaa horey guddoomiye uga soo noqday wargeyska qaranka ee EBC, waxana uu ka soo jeeda qoomiyada Oromada kuwaasoo sannadkii 2015-kii dalkaasi ka bilaabay kacdoon ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Xilkan loo doortay Dr Abiya Axmed waxaa iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn 15-kii bishii feberaayo ee sannadkan,kadib cadaadis uga yimid qoomiyada Oromada kuwaasoo dhigay banaanbaxyo ka dhan ah dowladda.

Dalka Itoobiya ayaa la geliyay  xaalad deg deg ah  kadib  is casilaadii Hailemariam Desalegn.

Xisbiga ayaa lagu wada inuu doorto Ra’iisal Wasaare Cusub kaasoo badali doonaa Ra’iisal wasaarihii iscasilay.

Leave a Reply