Faah Faahin: Qarax Labaad Oo Ka Ghacay Muqdisho.

0
268

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax labaad oo duhurnimadii maanta ka dhacay Barkontorool oo Ciidanka Nabad Sugidaa ay ku leeyihiin meel aan sidaas uga fogeyn Igsoyska Banaadir.

Gaariga ayaa ka yimid Duleedka Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, balse Bartakontorool ee halkaasi u taalla ayaa lagu joojiyay.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga ka shakiyay, waxayna uga digeen shacabka in ay u dhawaadaan, ciidamada oo ku howlan in ay xiraan wadada ayuu marqura gaariga qarxay.

Kahor inta uusan qaraxa dhicin ayaa waxaa israsaaseyn ay dhexmaratay Ciidamada ku sugnaa Bartakontorool iyo rag hubeysan oo watay gaariga, kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Saddex nin.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxan ay ku geeryoodeen ilaa Shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ciidankii halkaasi ku sugnaa, halka Saddexda kalena ay ahaayeen raggii gaariga watay.

Duhurnimadan ayay aheyd markii qarax gaari uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Nabad Sugidda.

Leave a Reply