Garoonka Dayaaradaha Baydhabo Oo Dib Loo Dhisayo

0
123

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa waxa uu sheegay in sanadkaan cusub ee 2019 ay bilaaban doonaan qorshaha dib u dhiska 8 garoon oo kuwa Diyaaradaha Dalka ah.

Waxa uu sheegay Wasiir Oomaar in qorshaha koowaad ee dib u dhiska garoomada diyaaradaha uu noqon doono garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in ay qiimayn kala duwan oo ku aadan sida ugu fudud ee dib loogu dhisi karo garoomada kale dalka ay kasoo sameeyeen garoomada ku yaalla gobalada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlaha dib u dhiska goobaha danta guud ee ku yaalalla dalka.

 

Leave a Reply