Guddiga Xalinta Khilaafka Siyaasadeed Ee Badbaado Oo La Kulmay Farmaajo.

0
263

Ilo ku dhow guddiga wadaxaajoodka Badbaado ayaa sheegaya in maanta guddiga ay la kulmeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddigan ka socda Badbaado ka dhageystay sida ay tahay in loo xalliyo khilaafka u dhaxeeyay golaha shacabka iyo xukuumadda.

Guddigan oo 7 qof ayaa matalada guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaannada ku bahoobey “Badbaado”.

Guddiga Badbaado ee Madaxweyne Farmaajo la kulmay waa:

  1. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
  2. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
  3. Xildhibaan Aamino Xasan
  4. Xildhibaan Xasan Yare
  5. Xildhibaan Cabdifitax Ismacil Dahir
  6. Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh
  7. Xildhibaan Ceeymoow

Golaha shacabka ayaa u xiran khilaaf ka dhashay mooshin laga keenay guddoomiye Jawaari bartamihii bishii tagtay.

Leave a Reply