Guddoomiyayaasha Gobollada Somaliya oo sameysana Gole ay ku mideysanyihiin.

0
281

Guddoomiyaha Gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in ay wadaan qorshe guddoomiyayaasha Gobollada Soomaaliya ay ku qabsanayaan hoowshooda islamarkaana ay uga leexanayaan dhinaca siyaasadda.

C/rashiid Cabdullahi Gooni,ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobollada dalka sida Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa uu Guddoomiye Gooni,sheegay in Guddoomiyayaasha Gobollada ay sameysanayaan Gole ay ku mideysanyihiin oo  sida uu sheegay ka shaqeynaya shaqada saxda ah ee guddoomiyayaasha Gobollada dalka.

Dhamaan Guddoomiyayaasha degaannada  Jubaland,Koofur Galbeed,Hirshabeelle, Galmudug,Gobolka Banaadir iyo Puntland ayuu sheegay in uu doonayo in ay sameystaan dallad ama gole ka shaqeeya isku xirka Guddoomiyayaasha iyo shaqadooda.

Waxaa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow uu kala hadlay qorshaha uu isaga hindisay ee ah mideynta guddoomiyayaasha Gobollada Soomaaliya.

Leave a Reply