Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Oo Booqasho Kutagey Dhismaha Garoonka Degmada Baraawe.

0
448

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe Oo ay Wehlinayaa Madaxda Gobolka Iyo Degmooyinka Ayaa Booqasho Kutagey Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmadaasi Oo Meel Fiican Marayo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim aadan Ali Najax Ayaa Sidoo Kale qeyb ka ahaa Booqashada Xaruumaha Dowlada sida Garoonka Diyaaradaha Oo dhismihiisa meel fiican Maraayo.

Madaxda ayaa Kormeerey Goobaha ay Kasocdaan dhismayaasha Garoonka Iyo Halka Shaqaalahu ay Kahawlagalayaan,Waxayna Ugu Mahad Celiyeen Sida ay Ugu Dadaalayaan In Si Qurux Badan Loo dhiso Garoonkaasi.

Maamulka Gobolka Sh.Hoose iyo degmada Baraawe ayaa Mudooyinkii Udambeeyey Kahawgalayey Sidii Loo Heli Dhismo Cusub Re Garoonka Diyaaradaha Degmadaasi ah,Waxaa sidoo Kale Dhismaheedu Labilaabey Dekeda Degmada Baraawe,waxaana Ay badan goobahaasi ay Halbowle Uyihiin Bilicda Iyo Dhaqaalaha Degmadaaasi.

Leave a Reply