Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Waa Shaqsi Ku Dayasho Mudan.

0
488

Gudoomiyaha Baarlaamnka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abm Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan, Waa Siyaasi rug cadaa ah mudona  ka dhex jiray  siyaasada Soomaaliya wax badana soo qabtay laga soo bilaabo waagii uu ahaa safiirkii soomaaliya ee dalka turkiya.

Waxa uu Amb Mohamed Mursal  Xiliyadii la soo dhaafay mar u ahaa wasiirka Tamarta dowladda soomaaliya  ee xiligii Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana mar kale loo Doortay in uu  Noqdo  Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka  Soomaaliya, Asagoona markii dambe loo doortay xilka gudoonka baarlamaanka ee hadda uu haayo.

Gudoomiye Mohamed Mursal  ayaa sidoo kale ah Shaqsi lagu yaqaan ka damqashada dadka danta yar ee masaakiinta ah, waxa uuna inta badan lagu yaqaana ka qeyb qaadasha howlaha lagu caawiyo umadda soomaaliyeed.

Amb Mohamed Mursal ayaa ah shaqsi Sumcad badan ku dhax leh umada Soomaaliyeed, waana Siyaasi Sanadihii la soo dhaafay saxaafada aad u soo Jiitay iyo indhaha Bulshada Soomaaliyeed iyo Kuwa caalamka.

Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed Mudane Mohamed Mursal yaa waxa uu yahay aqoon yahay dhalin yaro  ah waxa uuna wax ku soo bartay gudaha dalka iyo dibadiisa.

La Soco Qeybo Kale Oo Aan Kaga Hadli Doono Taariikhda Gudoonka Golaha Shacabka.

Leave a Reply