Gudoomiye Qooqane Oo Ka Digay Ganacsatada Ku Howlan Lacag Siinta Shabaab.

0
230

Gudoomiyaha maamulka degmada qansaxdheere ee gobalka baay Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay Hubsiimonews ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka kooxda alshabaab ay ku hayaan shacabka deegaanada koonfur galbeed, gaar ahaan ganacsatada.

Gudoomiye aadan cabdi ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee shabaab ay ku hayaan ganacsatada koonfur galbeed soomaaliya ay kamid tahay ka qaadista lacago baad ah, taa oo marka dambe maleeshiyada al shabaab ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada lagu gumaado shacabka.

Aadan cabdi gudoomiyaha maamulka degmada qansaxdheere ee gobalka baay ayaa qeybaha kala duwan ee ganacsatada ugu baaqay in lacago baad ah aysan siin ururka shabaab.

Waxuuna sidoo kale gudoomiyaha uu ganacsatada ka dalbaday in lacagtaasi ay siiyaan dowladda si wax loogu qabto amniga iyo dib u dhiska deegaanka.

Leave a Reply