Gudoonka baarlamaanka koonfur galbeed oo ku baaqay ka qeyb qaadashada dib u dhiska deegaanka.

0
299

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye  ayaa ugu baaqay dadka ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed iney gacan ka geeystaan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanadooda, gaar ahaan ka qeyb qaadashada sugidda amaanka oo tiir muhiim u ah nolasha beni,aadamka.

Gudoomiye C/qaadir Shariif ayaa sheegay in deegaanadan ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan, isagoo ugu baaqay shacabka ka soo jeeda koonfur galbeed iney u istaagaan horumarinta deegaanadooda iyo sidii looga hirgelin lahaa nabad  kuwada noolaanshaha bulshada ee guud ahaan koonfur galbeed.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed soomaaliya mudane C/qaadir Shriif Sheikhuna Maye ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada reer koonfur galbeed fadliga bisha barakaysan ee ramadaan darted alle uga baryay in soonkaan soonkiisa uu alle nabad nagu gaarsiiyo.

Baqaan gudoomiyaha baarlamaaka koonfur galbeed soomaaliya uu u jeediyay bulshada ayaa waxaa uu imaanayaa kadib booqasho xalay uu ku soo gaarey xarunta raadiyaha koonfur galbeed.

Leave a Reply