Gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Tacsiyo U Diray Eheladii Uu Ka Geeriyooday Marxuum X. Durey

0
224

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada koonfur galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay geeridii ku tumid allah u naxariiste marxuum Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya.

Gudoomiye C/qaadir Shariif ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Xildhibaanka oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada K/Galbeed ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply