Hay`adda laanqayta Cas oo dhaqaatiir u tirtay Marinka Qasa ee Falastiin.

0
272

Ha’yadda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in labo kooxood oo dhaqaatiir ah ay u dirtay marinka Qaza si ay u caawiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi.

Dhaqaatirtan ayaa ah kuwo ku takhasusay qaliinka waxaana la doonaya inay wax ka qabtaan baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Qaza.

In ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin ayaa ku dhaawacmay rabashadihii dhawaan ka dhacay xadka Falastiin iyo Israa’iil, sida ay sheegeen ha’ayadaha gargaarka ee Qaramada Midoobey.

Laanqayrta Cas waxay sidoo kale sheegtay in marinka Qaza u dirayso dhaqaatir kale oo dawooyinka qaabilsan iyo agab caafimaad sii loogu gargaara Falastiiniyiinta dhaawacmay.

Madaxa howlgalka ha’yadda ICRC ee bariga dhexe Robert Mardini wuxuu sheegay in dibadbaxyadii iyo rabshadihii Qaza ay gabaabsi dhanka adeegyada caafimaadka ay ku reebeen dadka deegaanka islamarkaasna xarumaha caafimaadka Qaza aysan qaabili karin dadka intaa la eg ee dhaawaca ah.

Leave a Reply