Howl-gal Ka Dhan Ah Shabaab Oo Ka Socda Wadada Buur Iyo Muqdisho.

0
266

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Qeybtooda Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa waxay hawgalo ay kasameeyeen wadada aada magaalada Mogadisho oo isku xirta baydhabo iyo Mogadisho,Hawgalada ayaa ciidamada waxay sheegeen inay kubaadi goobayeen meelaha ay joogaan kooxda al shabaab.

Ciidamada ayaa hawlgalada waxay si gaar ah  bartilmaameed uga dhigteen tuulooyinka hoos yimaada buur hakaba oo badankood ay kusoo dhuumaaleystaan kooxda alshabaab, waxaana hawgaladan hor kacayey saraakiisha ciidanka koonfur galbeed qeybtooda degmada buur hakaba ee gobolka baay.

Abdi Buule Ibraahim oo ah Taliyaha Amniga degmada buur hakaba oo qeyb ka ahaa hawgalada ayaa xaqiiqjiyey inay guulo kagaareen,sidoo kale na ay fureen wadooyin dhowr ah oo xirnaa ayna guulo muhiim ah ay kasoo gaareen ujeedkii hawlgalka loo sameeyey.

Leave a Reply