Howlgal Ka Dhan Ah Shabaab Oo Ka Bilabanaya Somalia

0
113

Golaha nabada iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyey qorshe ciidamada nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya ee AMISOM ay Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga harsanyihiin Soomaaliya.

Qorshahaan oo ay Ciidamada AMISOM Shabaab kaga saarayaan deeganada ay weli heystaan ayaa waxa ay sheegeen in xooga qorshahaan ay ka fulin doonaan Jubbada dhexe oo ay Shabaabku ku xooganyihiin.

Waxa ayna sheegeen in ay bilaabayaan howlgalkaan bilaawga sanadka maalmaha ay inaga xigaan ee 2019 waxa ayna qeyxeen in bisha labbaad ee Febraayo ay si rasmi ah u bilaabi doonaan.

Golaha nabada iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in qorshahaan oo ay usoo gudbiyeen AMISOM ay ansixiyeen waxa ayna tibaaxeyn inay soo dhaweynayaan wejiga koowaad ee howlgalka Shabaab lagaga saarayo Soomaaliya.

“AMISOM waxa ay ku dadaalaysaa xasilinta Soomaaliya deeganada Shabaabka laga qabsadana sida caadiyanba dhacda waxa ay ku wareejin doonaan Ciidamada dowladda Soomaaliya” ayey sheegeen golahu.

howlgalkaan ay AMISOM shabaab kaga saarayso deeganada ay Soomaaliya kaga harsanyihiin ayaa kusoo aadaya xili gebi ahaanba la dhimayo ciidamada midowga Afrika ee qeybta ka ah howllgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Leave a Reply