Howlgal Miino baaris ah oo ka socda wadada Maka Al-Mukarama

0
261

Muqdisho(HSM)_Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, Ciidamada Booliska qaybtooda u tababaran Baarista Miinooyinka, ayaa maanta lagu soo daadiyay halkaasi oo ay ku baarayaan gaadiidka.

Howlgalka Miino Baarista ah ayaa waxaa uu ka socda  ka soo horjeedka Hotel Wehliye, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay Bishii aan soo dhaafnay ee Marso, halkaasi oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Ciidamadan ayaa wata eeyo u tababaran u rinta waxyaabaha qarxa ee gaadiidka saaran, waxaana gaariga laga shakiyo ciidamada ay gelinayaan meel luuq ah oo ay ku baarayaan.

Qof ka mid ah dadkii soo maray wadada ayaa u sheegay Risaala.net inuu arkaayay gaadiidka oo saf dheer ku jira, islamarkaana lagu baarayo eeyo ay wataan ciidanka Booliska, si loo ogaado gaariga qarax saaran yahay iyo midka uusan saarneyn.

Booliska ayaa isku dayaya door muuqata inay ka qaataan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga qaraxyo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda.

Leave a Reply