Qoraal ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu muujiyey sida ay u danaynayaan inay taageero uga geystaan Doorashadda socota ee Maamul-gobaleedyadda ee Somalia, taasi oo horseedi karta Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka.
IGAD waxay sheegtay inay si dhow ula socdaan Horumaradda ka socda Jamhuuriyadda Federalka Somalia, isla markaana ay si diiran u soo dhaweynayaan sida ay DFS uga go’an tahay inay Doorasho Xor iyo Xaq ah dhacdo sannadka 2020-ka, si loo hubiyo Ajendaha Isbedelka ee Federaalisimka, iyadoo loo marayo Tubta Siyaasadda ee Somalia (The Political Roadmap of Somalia).
Qoraalka IGAD waxaa kaloo lagu xusay inay dhiiri-gelinayaan dadaalka loogu jiro Dimuqraadiyeynta Somalia si loo mideeyo Dowlad-wanaagga iyo Ka-qeybgalka ballaaran ee Muwaadiniinta si ay uga shaqeeyaan Dimuqraadiyadooda iyo Xuquuqaha Muwaadinimo.
Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD waxaa lagu xusyainay DFS ka taageeri doonaansidii loo dedejin lahaa Go’aanka Siyaasadeed ee samaynaya horumar lama huraan u ah dhismaha Heshiis iyo Midnimo Qaran.