Ilhaan iyo Rashiida Oo Lagu Wado Maanta In La Dhaariyo

0
113

Waxaa maanta lagu waddaa in la dhaarinaayo Ilhan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka.

Guud ahaan Dalka Maraykanka maanta waxaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiray labada aqal ee congresska Maraykanka.

Sanadkaan ayaa ka duwan sanadihii hore  waxaana  aqalka hoose ku soo biirtay tiradii ugu badneyd ee dadka laga tirada badan yahay.

Waxaa sidoo kale la dhaarin doonaa Gabadh Muslimad ah oo lagu Magacaabo Rashiida Dhaalib oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Falastiin

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay qeybo ka mid ah hawlihii dawladda dhexe ay xanniban yihiin sababo la xariira Muranka Madaxweyne Trump ee Miisaaniyadda.

Leave a Reply