Inka Badan 25 Wariye Oo Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Tababar Uga Furtay Baydhabo.

0
223

Tababarkan oo socon doono muddo afar maalmood ah ayaa wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya waxay u furtay inka badan 25 wariye oo la howl-gala magaalada baydhabo, gaar ahaan Tvga iyo raadiyaha koonfur galbeed.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada koonfur galbeed Mudane Xasan Cabdi Mohamed oo siminaarkan si toos ah u furay ayaa wariyaasha faray inay ka faa,ideystaan tababarkan mudada uu socdo.

Tababarkan wasaaradda warfaafinta koonfur galbeed soomaaliya ay u qabatay wariyaasha ka howl-gala raadiyaha iyo tvga koonfur galbeed ayaa waxaa gacan ka geystay safaaradda Uk ee soomaaliya.

Leave a Reply