Jawaari oo ka hadlay shaqo joojinta Xoghayaha Golaha Shacabka.

0
244

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka horyimid shaqo joojintii Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha C/wali Muudey uu ku sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Wuxuu sheegay Jawaari in Muudey uusan awood u laheyn inuu shaqo joojin ku sameeyo Xoghayaha Golaha, wuxuuna tilmaamay in isaga uu soo magacaabay kadib wadatashi uu la sameeyay Gudoonka Golaha iyo Guddiga Joogtada.

Arrintan waxay u muuqataa in weli uu jiro kala fikir duwanaanshaha fog ee u dhaxeeya Guddoonka Baarlamaanka, iyada oo aanan la ogeyn xiisadan halka ay ku dambeyn doonto.

 

Leave a Reply