Jawaaro oo maanta la filayo inuu khudbad ka jeediyo golaha shacabka.

0
421

Guddoomiyaha Xilka ka siidagaya ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta waxaa uu khudbad ka hor jeedin doonaa fadhiga xubnaha Golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu Talaadadii la soo dhaafay shir ay wada jir u qabteen isaga iyo madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku sheegay in xilka Guddoonka Golaha shacabka uu ku wareejinayo xildhibaannada Golaha shacabka.

Jawaari ayaa la filayaa in khudbaddiisu ay ku saabsanaato ka tagista xilka,iscasilaaddiisa iyo sidoo kale dardaaran uu u jeedinayo Golaha shacabka ee uu xubinta ka yahay.

Shirkii Talaadadii ay wata qabteen isaga iyo madaxweynaha ayuu Jawaari ka sheegay in uu xilkaas u wareejinayo kaddib markii uu qaatay sida uu sheegay talooyin badan oo ay shacabka Soomaaliyeed u soo gudbiyeen uu ka doortay weedha ah “halla kala roonaado”,waxaana uu doortay sida uu sheegay in isaga uu tanaasulo.

Jawaari ayaa mooshinka isaga ka dhanka ah ku eedeeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya kaas oo xalay ku booqday Gurigiisa islamarkaana iyaga oo faraxsan ka soo muuqday baraha Bulshada.

Leave a Reply