Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dhawaan Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Jubbaland ay diyaarisay Ciidankii xoreyn lahaa degaanada ay maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobolada Jubbadda dhexe iyo waliba Jubbadda Hoose.
Axmed Madoobe ayaa xusay in tilaabaddaan ay timid ka dib markii bilihii lasoo dhaafay tababaro ay u socdeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.
Waxaa uu ku adkeystay in sidda ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saari doono degaanada ay maamulaan,Maadaama uu sheegay in ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka.