Jubbaland Oo Dalab U Dirtay Midowga Yurub

0
71

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi ka socday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh.

Madaxweynahah ayaa wafdiga waxaa  uu kala hadlay sidii la isugu  xiri lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Leave a Reply