Kheyre Oo Booqday Golaha Murtida Iyo Madadaalada Qaranka

0
93
dav

Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.

Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.

Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka.

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay.

Leave a Reply