Koobka Dalalka Bariga Africa Oo Muqdisho Marti Gelinayso

0
75

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaaka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lagu qaban doonto M/ Muqdisho koobka dalalka  bariga Africa.

Khadiijo Maxamed Diiriye  ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani ay ka war qabaan madaxda dalka, horaanta sanadka cusubna, Soomaaliya ay isku diyaarin doonto qabashada Tartankaasi.

Sidoo kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay tahay guul u soo hoyatay bahweynta Isboortiga iyo guud ahaan dalka.

Leave a Reply