Koonfur Galbeed Oo Hambalyo U Dirtay Hogaanka Cusub Puntland

0
124

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub Ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed Dani Oo  ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Madaxweyne C/casis Lafta-gareen ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Mudane Axmed Cilmi Karaash oo asna ku guulaystay kursiga madaxweyne ku xigeenka ee Puntland.

Mudane C/casii Xasan Maxamed madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hogaamka cusub ee puntland u rajeeyay in Alle u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay Madaxweyne Dani iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

 

 

 

Leave a Reply