Koonfur Galbeed Oo Ka Hadashay Shirka Amniga Ee Beri Furmaya.

0
233

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Hasan Sheekh Oo Kahadley Martigalinta Madaxda Maanta Iyo Shirka Maalinta Beri ah Kafurmayo Magaalada Baydhabo ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shirka Amniga Qaranka oo Berri ka furmaya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Hasan waxaa uu sheegay in Shirkaasi looga hadlaayo Amniga Qaranka, islamarkaana diiradda lagu saarayo xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Hasan waxaa uu sheegay inuu rajeynaayo in ay kasoo baxaan Shirka Qodobo waxtar u leh Bulshadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in shirkaan uu u dhaxeeyo Dowlad dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu socon doonaa Shirkaan labo Maalmood, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Madaxda maamul goboleedyadda iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Leave a Reply