Koonfur Galbeed Oo Sheegtay Inay Furi Doonta Wadada U Dhaxaysa Qansaxdheere Iyo Baydhabo.

0
322

Gudoomiyaha maamulka degmada qansaxdheere ee gobalka baay A7adan Cabdi Qooqane ayaa ka hadlay xaaladda degmada iyo howlgalada ciidamada amaanka ay ka wadaan deegaano ka tirsan degmadaasi.

Gudoomiye Qooqane ayaa sheegay in xaaladda degmada ay tahay mid aad u wanaagsan,

Aadan Cabdi gudoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere  ayaa sido kale sheegay in ciidamada amaanka koonfur galbeed soomaaliya howl-galo ay ka wadaan wadada u dhaxaysa qansaxdheere iyo baydhabo.

Asagoona u jeedka ugu weyn ee howlgalka ku micneeyay sidii degmadaasi go,doonka looga qaadi lahaa, shacabkana si nabad ah ku mari lahaayeen wadadaasi.

Maamulka degmada Qanaaxdheere ee gobalka baay ayaa xiligan dadaalo ugu jira sidii go,doonka looga qaadi lahaa degmadaasi oo in muddo ah u go,doonsan ururka al shabaab.

Leave a Reply