Koonfur Galbeed “waxaan shaqaalaysiin doonaa ardayda wax ku baratay jaamacadaha deegaanka”

0
1067

Kusimaha madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya ahna wasiirka amniga gudaha Xasan Xuseen Maxamed (Eelay)  oo maanta ka hadlay xaflad ay ku qalan jebinayeen araday dhigata jaamacadda BIU ee magaalada baydhabo ayaa sheegay in maamulka koonfur koonfur galbeed ay ahmiyad siin doono ardayda wax ku barata jaamacadaha ku yaala deegaanada koonfur galbeed.

Waxaa kaloo uu kusimha intaasi uu ku daray in marka ay shaqo kasoo codsanyaan ardayda wasaaradaha koonfur galbeed in ay waraaqahooda codsiga ku soo lifaaqaan qoraal muujinaya inay wax ku barteen jaamacadaha deegaanada koonfur galbeed, taaso kusimuhu balan qaaday in waraaqaha ku sumadeysan jaamacadaha deegaanka ay noqon doonaan kuwa ahmiyadda koowaad ay siin doonaan maamulkiisa.

Tani ayaa ah mid dheeri gein u ah jaamacadaha ku yaala magaalada Baydhabo kuwaaso iminka kor usii kacayso tirada ardayda wax ku baranayaso xili la filayo in sanad dugsiyeedkan 2017 — 2018 ay kasoo qalan jebiyaan dugsiyada sare ee ku yaala magaalada baydhabo ku dhowaad 900 arday oo dhamaysatay waxbarashada sare.

 W/Q: Bishaar Bashka

Leave a Reply