Kulan Amniga Looga Hadlaayay Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobalka Baay.

0
555

Gudoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere ee gobalka baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulan looga hadlaayay arimaha amaanka oo maanta ka dhacay degmadaasi.

Gudoomiye Aadan Cabdi ayaa sheegay in kulankoodi maanta uu ku saabsanaa xoojinta nabad galyada ka jirta degmada qansaxdheere ee gobalka baay iyo sidii loo laba jibaari lahaa.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka qansaxdheere ayaa soo hadal qaaday in degmada muddo ka badan afarsano ay go,doon ugu jirto maleeshiyada alshabaab, ayna filyaan inay iska dulqaadaan dhibaatooyinka shabaabka ay ku hayaan wadooyinka soogala degmada.

Degmada Qansaxdheere ee gobalka baay waxay kamid tahay degmooyinka ay go,doomiyeen kooxda alshabaab.

Leave a Reply