Kulan labo maalmood soconayo oo ka dhacay hoolka wasaaradda qorshaynta ee koonfur galbeed.

0
262

mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay samaynta awoodaha wasaaradaha Hoowlaha guud ee heer federal Maamul goboleedya iyo Gobolka Banaadir si loogu awoodsiiyo in si madax banaan ay u qorsheeyaan, maareeyaan isla markaan u kor meeraan mashaariicda  dhismaha kaabayaasha iyo dayactirka, si loo nidaamiyo horumarka wasaaradaha hoowlaha guud ee Maamul Goboleedyada  Dalka ka jira maamulka Gobolka Banaadir iyo tan Doowladda federaalka Soomaaliya.

Hoolka wasaaradda qorshaynta ayaa lagu qabtay  kulanka ay ka soo qaybgaleen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KGS  iyadoo uu halkaasi joogay agaasimaha waaxda Kormeerka tayada ee wasaaradda Hoowlaha Guud dib udhiska iyo guriyaynta D.F.s  Eng. Axmed  Diiriye Raage oo ku hadlayay magaca wasiirka wasaardda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga K.G Mr.Maxamed Xaaji  oo si weyn uga hadlay muhiimadda  mashaaricdan isagoo carabaabay in waqtiga mashruuca uu aad xadidanyahay lana doonaya in la dardargeliyo si looga faa’idaysto waqtiga yare e ka harsan Mashruuca.

Fatxi Ibraahim Baxuur  waa wasiirka wasaaradda Hoowlaha guud ee D.G.S waxay ka hadashay mashruucan iyo faa’idooyinka uu u leeyahay Bulshada Maamul Goboleedka K.G.S.

Waa mashruuc guda balaaran oo xambaarsan faa’idooyin badan oo wax tar u leh dhalinyarda oo haddii la guda galo ay shaqo abuur u tahay dhlinyarda wax ku baratay gudaha dalka ee shaqo la’aantu la digtay, iyadoo si toosan iyo si daban  uga faa’idaysan doono.

Waxaana Mashruucan soo bilaawday 2016kii waxuuna ku egyahay 2019 ka waxaana si wadajir ah gacan uga gaysanaya hay’adaha UNPOS iyo Bangiga horumarinta Afrika oo 90%  ku deeqday Qarashka ku baxaya Mashruucan.

W/Q Mukhtaa Dalmar

Leave a Reply