Kulan Logu Soo Dhoweynayey Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Somaaliya Oo Lagu Qabtay Magaalada Xudur

0
443

Kulankaan Ayaa Waxaa Soo Qaban Qaabiyey  Maamulka Gobolka Bakool Waxaana Kasoo Qeyb Galey  Wasiiro Katirsan  Dowlad Goboleedka  Koofur  Galbeed Maamulada Degmooyinka Xudur Iyo Tiyeeglow Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed  Iyo Bulshada Ray’idka Ku Nool Degmada Xudur  Ayaa Waxaa Lagu Tageraayey Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka BaarlamaankaDowlada Faderaalka  Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankaan Ayaa Dhamaan Masuulintii Kasoo Qeyb Gashey Waxay Kashekeyeen Waxqabadkii Lagu Soo Arkey Intii Uu Soo Haayey Xililkii Kasoo Qabtey D.F. Masuulinta Kulanka Kahadashey Waxaa Ka Mid  Ahaa  Guddoomiye kuxigeenka Degmada Xudur ahna Kusimaha Guddoomiyaha Mustaf Aadan iyo Guddoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Xasan Cabdalla (Foodcade) Iyadoona Si Lamid Ah Hambaliyo Udireen  Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Bulshadii Kahadashey Kulankaan Lagu Tagareeyey  Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Iyagana Ujeediyeen Hambaliyo Iyo Bugaadin Iyagoo Gudoomiyaha Ugu Baqeen In Boqashadiisa Ugu Horeyso In Uu Ku Yimaado Gobolka Bakool Gaar Ahaan Magaalo Madax Gobolka Ee Xudur.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol  Iyo Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Ee KG  Sheekh Xasan Ibraahim Lubuur Waxey Soo Dhaweyeen Gudoomiyaha Cusub Iyagoo Gudoomiyaha Kushegeen Iney Marar Badan Ay Isla Soo Shaqeyeen Waxey Ku amaneen Waxqabadkii Wanaagsanaa Oo Uu Soo Qabtey Intii Uu Soo Haayey Xilikii Kala Duwanaa Ee D.F.Soomaaliya Kasoo Qabtey.

BY:Maxamed Xasan Cabdiraxmaan (Aw-gooni) Xafiiska Hubsiimonews.com Degmada Xudur Ee Bakool.

Leave a Reply